Xalay ayaa waxaa dab khasaare hantiyeed geystay waxa uu ka kacay Goobo Ganacsi oo ku yaalla degmada Kaxda ee gobolkan Banaadir.
Dabka ayaa baabiรขโฌโขiyey ilaa Afar dukaan oo ku yaalla Bostejada Gaadiidka laga raro ee degmada Kaxda ee loo yaqaano Quraca Nabada,waxana la sameeyey dadaalo farabadan oo lagu deminayey dabkaas.
Qof ka mid ah dadka ku nool degmada Kaxda ayaa Dalsan u sheegay in afarta dukaan dhammaan hantidii taalay ay baabaรขโฌโขday.isla markaana gawaarida gumadka deg dega iyo dadka Shacabka ay ay ku guuleysteen in ay demiyaan.
Goobaha Ganacsi ee uu xalay dabka ka kacay ee degmada Kaxda ayaa saakay waxaa gaaray qaar ka mid Ganacsatada iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee Bulshada kuwaas oo weli sameynaya gurmad si markale dib loogu dhiso goobihii burburay.
Suuqyada Muqdisho qaarkood ayaa markii uu dabka kaco waxaa adkaata in si fudud lagu demiyo maadaama goobaha Ganacsi ay yihiin kuwo aad isugu dhow,isla markaana loo waayo Wadooyin loo maro.
Hoos Ka Dhageyso Qof ka mid ah dadka degmada Kaxda.