Cabdi Kariin Muuse Qalbi-Dhagax oo dhowaan laga soo daayey Xabsi ku yaallo dalka Itoobiya balse ku sugan Magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Munaasabad Maanta loo sameeyey ka sheegay hadalkaas.
Qalbi-Dhagax ayaa Bulshadii ka qeyb gashay Xaflada oo isugu jiray,Xildhibaano,Siyaasiyiin iyo qeybahaa kala duwan ee Bulshada ku nool Magalada Nairobi uga sheekeeyey qaabkii dowladda Soomaliya ugu wareejisay dowladda Itoobiya,iyo sidii looga dhoofiyey Muqdisho.
” Aniga oo indho duuban, cago cad, qaawan, ayaa Muqisho la iga dhoofiyay, balse waxaan ogaaday in aan leeyahay 30 milyan oo walaalo Soomaaliyeed ayuu yiri Cabdi Kariin Muuse Qali-Dhagax.
Sidoo kale waxa uu sheegay Qalbi-Dhagax in wareejintii lagu wareejiyey Itoobiya ay aheyd fariin loo qeybiyey dhammaan Ummadda Soomaaliyeed,balse ay ka dhiidhiyeen shacbka Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin siideyntii dowladda Itoobiya ee Qalbi-Dhagax oo ay ku wareejisay Bishii Agaust Sanadkii tegay ee 2017 marka laga reebo in dowladda Itoobiya ay shaacisay in dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay siideyntaas.