Ergayga Gaarka ee Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga Soomaalida, Ambassador Maxamed Cabdi Afeey oo hoggaaminayo Wafdi her sare ah ayaa booqasho ku tegay Caasimadda dalka Eritrea ee Asmara.
Wafdigaasi waxaa ka mid ahaa Ku-xigeenka Agaasimaha Waaxda Badbaaadinta Caalamiga ee UNHCR, Shahrzad Tadjbakhsh iyo Madaxa Sharciga ee Xafiis-gobaleedka UNHCR ee Afrika, Leonard Zulu.
Websaytka Hay’adda UNHCR ayaa lagu qoray inuu Ambassador Maxamed Cabdi Afeey la gaaray Dowladda Eritrea Ballanqaad Guul leh oo ah in Qaxootiga Soomaalida ku nool dalkaasi loogu soo saari lahaa Fiisooyin ay dalkaasi kaga bixi karaan, iyadoo xalka loo marayo Dib-u-celinta Qaxootiga doonaya inay iskooda dib ugui laabtaan dalkooda hooyo ama haddii ay Waddan 3-aad ka helaan Dib-u-dejin iyo Deganaansho.
Ergayga Gaarka ee Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga Soomaalida, Ambassador Maxamed Cabdi Afeey waxa u uhoosta ka xariiqay in Hay’addaha wada-sahaqeynta la leh UNHCR, JHay’addaha QM iyo Daneeyayaasha ay Khuseyo door muhiim ah ka qaadan doonaan Codsiga Xafiis-gobaleedka ee ku aadan habka looga jawaabo Gacan-siinta sidii Qaxootiga Soomaalida ku nool dalka Eritrea loogu heli lahaa dalal kale oo ay Dib-u-dejin ka helaan.
Ambassador Maxamed Cabdi Afey waxa uu ku baaqay Beesha Caalamka inay raageero dheeraad ah siiyaan Qaxootiga ku nool dalka Eritrea.
Si kastaba ha ahaatee, Dalka Eritrea waxaa ku nool Qaxooti Soomaali oo tiradoodu dhan tahay 2, 153 qof iyo 105 Qaxooti ka soo kala jeeda dalal kale, kuwaasi oo in ka badan 20-kii sanno ee la soo dhaafay Hay’adda UNHCR taageero iyo Dhaqaale siin jirtey.
Xigasho: UNHCR