Wafdi ay Hogaaminayaan Kuxigeenka Xafiiska Qaramada Midooway u qaabilsan arimaha soomaaliya Raisedon Zenenga iyo safiirka Shiinaha ee soomaaliya Wei Hongtian ayaa gaaray magaalada garowe ee xarunta maamulka puntland.
Wafdiga waxaa magaalada garowe kusoo masuuliyiin ka tirsan maamulka puntland.
Ujeedka socdaalka labadani masuul ayaa lagu sheegay sidii ugu kuurgali lahaayeen xaalada amaan iyo mida dhaqaale ee ka jirta deegaanada maamulka.
Dhinaca kale Raisedon Zenenga iyo Wei Hongtian ayaa kulamo la qaadan doona Madaxweynaha maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas waxaana la shaaciyay in ay ka wada hadli doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka China iyo Puntland.