Saansaanta Dowladnimo ee haatan waxay u  muuqata Nidaam Ugub ku ah Ummadda Soomaaliyeed, maadaama aysan abid soo arkin, kuna soo kacaamin Dowlad Federal ama kuwa Gobaleedyadda ee aan isku meeqaamka ahayn.
Burburkii Dowladnimo ee bilowgii sannadkii 1991-kii ayaana loo aaneeyaa inay ka soo faruurmeen caqabadaha iyo colaadaha hubeysan iyo kuwa siyaasadeed ee ka aloosan dalka Somalia.
Dowladihii KMG ee sida Taxanaha marba xilalka u kala wareegayey ayaa ku guuleysan waayey inay bud-dhig cusub u sameeyaan Meertadda Siyaasadeed iyo Nidaamka Dowladnimo ee looga bixi karo Xilligii Adkaa ee la soo maray.
Hoggaamiyayaasha Siyaasadda ee uu ka dhexeyeey Loolanka Siyaasadeed ayaa lagu qanciyey inay dhisaan Dowlad u gogol-xaarta Nidaamka Federalka ee loogu talagalay inay ku dhaqmaan dadka ku wada nool halka Qaran, balse kala dhaqanka iyo diinta ah.
Dowladaha Beesha Caalamka ayaana olole xooggan iyo dhaqaale ku bixiyey sidii ay Hoggaamiyayaasha Soomaalida u taageeri lahaayen Nidaamka Federalka, inkastoo aan weli lagu caano-maalin Toobiyaha Federalisimka.
Waxaa lagu guuleysan la’ yahay sidii loo taabo-gelin lahaa Tiirarka Federalismka, gaar ahaan Dhismaha Dowlad-gobaleedyadda, Dhamaystirka Dastuurka Qabyadda, Isku-dhafka Ciiddamadda, Xuduudaha  Dowlad-gobaleedyadda, Saami-wadaagga Kheyraadka iyo qoddobadda kale ee bud-dhigga u noqon kara Mideynta Wada-shaqeynta Sharciyeysan ee Dowladda weyn ee Federalka iyo kuwa Goballadda.
Is-faham la’aan xooggan, Isbaaro Siyaasadeed, Is-fashilin, Khilaaf-siyaasadeedyo la soo abaabulo, mooshino danno beeleed iyo mid dhaqaale lagu hoosaasinayo iyo Nidaamka  La-hoggaaminta (Co-leaders)-ka ayaana laga dheehan karaa sababaha ay Dowladda Federalka u hiigsan la’day inuu Maamulku wada gaaro Goballadda Somalia.
Qalad-siyaasadeedka iyo La-hoggaaminta haatan la iskula dhegan yahay Isteerinka waa dhaqan-xumo loo baahan yahay in laga gudbo, lana sameeyo Sharuuc Qaran oo kala xadida, isla markaana kala jiheeya  Dowladda Dhexe ee Federalka iyo Dowlad-gobaleedka ee u muuqda inay iska barbar shaqaynayaan..
Madaxda Dowladda Federalka oo iyagu ah Hoggaamiyayaasha Qaranka ayaa loo baahan yahay inay gartaan Xilalkooda iyo inay ku mintidaan sidii ay waayo-aragnimo uga heli lahaayeen xalka Khilaafyadda inta badan dib u soo laba kacleeya.
Lama tiro-koobi karo inta jeer oo ay isku dhaceen Dowladda Dhexe iyo Dowlad-gobaleedka Puntland iyo tallaabooyinka ay Beesha Caalamka ugu kala dab-qaadeen, si loo xaliyo khilaafyadda la siyaasadeeyo.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu Maamulka  Puntland yahay Mucaaradka ugu weyn ee sida tooska iyo sida dadban u mucaaradsan Dowladda Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud, iyadoo ay Maamulka Puntland  carqalad aan dhamaad lahayn ku hayaan Qorshaha Dowladda Federalka, ballaarinta Awoodda Dowladda Dhexe  iyo Taaba-gelinta Dowlad-gobaleedyadda dhismayo.
Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud waa Mas’uulka ugu sarreeya Haykalka Dowladeed ee Somalia oo ay Beesha Caalamnka aqoonsan yihiin, laakiinse Madaxda Puntland waxay u wajahaan sidii Madaxweyne la fil ah C/weli Gaas. Taasina waa arrin aan haba yaraatee garowshiyo lahayn,
Madaxweynaha ayaa la sheegaa inuu Siyaasad Furfuran ku qaabilo, kuna dhegeysto codsiyadda Madaxda Dowlad-gobaleedyadda, inkastoo ay Siyaasiyiinta Qaranka saluugsan yihiin  tallaabada uu Madaxweynaha ku oggolaaday inay Madaxda Maamul-gobaleedyadda kala qeyb galaan Kulamada uu la qaadanayo Madaxda Caalamiga.
Waxaa  la xusuusan yahay Kulankii uu Madaxweynuhu uu bishii hore la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibedda Marayaknka, John Kerry oo ay kala qeyb galeen Madaxweynayaasha Dowlad-gobaleedyadda Puntland, K/galbeed iyo Maamulka KMG ee Jubba,
Xeel-dheerayaasha u dhuun duleela siyaasadda Madaxweynaha Puntland, ayaa sheega inuu yahay Hoggaamiye jecel inuu xaallad kasta ku siyaasadeeyo waxa uu u arko Danaha Maamulkiisa.
Madaxweyne Gaas waxa kaloo uu  Isbahaysi dhow la xirtay Madaxda Maamul-gobaleedyadda Jubba iyo K/galbeed, si uu taageero ugu helo cadaadis-saar kasta oo lala maagan yahay Dowladda Dhexe ee Federalka
Isbahaysiga noocaasi waxa ifafaalihiisa laga dareemay qaabka uu Madaxweyne Gaas uga gaagaxay Mooshinkii ay Xildhibaanadda Qaranka ku kala direen  Barlamaan-gobaleedka Maamulka KMG ee Jubba.
Xeeldheerayaasha waxay rumeysan yihiin inuu Madaxweyne Gaas  Isbahaysi siyaasadeed iyo mid ehelnimo u muujinayo dhigiisa Jubbaland, Sheekh Axmed Madoobe inuu ku taageero qaddiyad kasta, oo ay ugu dambeysay mooshinkii ay Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka ku kala direen Barlamaanka KMG ee Jubba.
Sidoo kale, Madaxweyne Gaas iyo Axmed Madoobe waxay kiish dhexda ka duleela ku gurayaan Dakhliga Malaayiinta Dollar ee toddobaad kasta ka soo xerooda Dekeddaha Bosaaso iyo Kismaayo, waxayna ka biyo diisan yihiin inay Dowladda Federalka saami ka siiyaan Dakhligaasi, si loogu furdaamiyo Adeegyadda Qaranka.
Maamulladda Gaas iyo Axmed Madoobe iska dhaafee inay Dowladda Dhexe wax yar ka siiyaan Dakhliga Dekeddaha, waxay u xusul-duubayaan in saami laga siiyo Taageeradda Dhaqaale ee ay Beesha Caalamka ugu deeqaan Dowladda Federalka.
Hab-dhaqanka Kula Lihida Waxaaga iyo Igar-siyaasadeedka wax lagu hoggaaminayo waxay muujinayaan inaan si wadajir ah daacad looga ahayn Hiigsiga Nabadda, Horumarka iyo Federalismka.
Markaynu isku soo duubno, xiriirka liita ee u dhexeeya Dowladda Federalka iyo Maamulladda Puntland iyo Jubba waxaynu ka dareemi karaan inay yihiin Dowladdo kala socda, Oggol-diidan isku ah, misna kala hiigsi ah.
WQ: Hassan Ali Osman “Istiilaâ€
Twitter @hassanistiila