Kadib, markii ay Dowladda Kenya xirtay xuduudka ay la leedahay Somalia sannadkii 2014-kii waxay inta badan dadka ku nool Mandera rumeysnaayeen in ay Askarta Kenya si fudud uga guuleysan karaan Weeraradda ay Alshabaab ka geystaan gudaha dalkaasi.
Laakiin, xiritaanka Xuduudka waxa uu saamayn ku yeeshay Dhaqdhaqaaqa dadka iyo Xamuulka isaga kala gudbi jirey labada dhinac ee Xuduudka, waxayna taasi waxyeelo weyn u keentay Ganacsigii sharciga ahaa ee Mandera.
Ka hor sannadkii 2014-kii, inta badan Ganacsatadda ku sugan Mandera iyo Ceel-waaq  oo ah Labada Xarumo Gnaacsi ee ugu weyn waxay ku tiirsanaayeen Badeecadaha uga imaan jirtay magaalladda Muqdisho oo masaafo ahaan uga dhaw marka loo eego Nairobi.
Xasan Cali Xasan oo ka mid ah Ganacsatada magaalladaasi waxa uu sheegay inay dadka Deegaanka xayiraadaasi khasaaro kala kulmeen Ganacsigooda.
Waxa uu carrabka ku dhuftay inay Badeecadaha ay Dukaamadda ku iibiyaan kala soo degaan Dekedda magaalladda Kismaayo, isla markaana ay Canshuurta ku bixiyaan Kontorooladda ugu waa weyn ee magaallooyinka Ceel-waaq iyo Mandera.
Ganacsadaha waxa uu sheegay inay  masaafadda dhow ee u dhexeysa Mandera iyo Muqdisho sababtay inay Ganacsatadda muhiimad siiyaan Badeecadaha uga yimaada gudaha Somalia.
“Waa 600 KM oo keliya masaafadda Mandera iyo Muqdissho, lamana jecla in Badeecaddaha Dukaamadda laga keeno magaalladda Nairobi  oo  Mandera u jirta masaafo dhan 1,200 KM†ayuu yiri Ganacsade Xasan Cali Xasan oo intaasi ku daray in Badeecadda laga keeno Muqdisho ka raqiisan tahay Badeecadaha laga keeno Nairobi.
Afhayeenka Barlamaan-gobaleedka Mandera. Maxamed Aadan Khaliif waxa uu sheegay inuu Ganacsigu caadi ahaa ka hor inta aan la xirin Xuduudka, isla markaana si fudud canshuuraha loo qaadi jirey.
Waxa uu xusay inay xaalladda Ganacsiga haatan isbedshay, isla markaana uu Deegaanka noqday mid dhibaato badan.
Guddoomiyaha Mandera, Cali Robo waxa uu ugu baaqay Dowladda Kenya in  dib loo furo Xuduudka, si ay Badeecadaha sharciyeysan uga soo gudbaan.
Waxa u qiray in Badeecadah Mandera uga timaada Somalia ka jaban yihiin kuwa laga keeno magaalladda Nairobi.
“Ka hor inta aan la samynin Waddadan, waxaa waajib nagu ah inaan la ganacsano Somalia, kadib, markii uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta tilmaamay in dib loo furo Xarumaha Canshuuraha ee Xuduudka iyo inay dhamaan Saraakiisah wada yimaadaan Mandera†ayuu yiri Cali Robo.
Qeylo-dhaantaasi ayaa timid, xilli ay Dowladda Kenya shaacisay inay Kharaj la’aan u joojiyeen Derbigii laga dhisayey Xuduudka Kenya la wadaagto Somalia oo dhismihii la bilaabay sannadkii 2015-kii.
Si kastaba ha ahaatee,  Derbigaasi waxaa ilaa iyo haatan la dhisay 8 KM oo qeyb ka ahaa 270-kii KM ee ay Dowladda Kenya horey u qorsheeysay.