Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo booqasho hal maalin ah ku jooga dalka ruwanda ayaa Caawa Caasimada dalkaas ee Kigali waxa uu kula kulmay dhigiisa dalka Ruwanda Edouard Ngirente iyo Xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada.
Kulanka labada Ra’iisul Wasaare waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Masuuliyiin ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wasiiru dawlaha arrimmaha dibadda, wasiirka caddaaladda ee Rwanda, Lt. Gen Jacques Musemakweli iyo masuulyiin kale oo reer Rwanda ah.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhigiisa Ruwanda ugu mahad celiyey casuumaada ay u fidiyeen madaxda dalkaas,isaga oo sheegay in uu rajo weyn ka qabo in Soomaaliya ku dayato horumarka weyn ay sameysay dowladda Ruwanda iyo sidii ay ku dhaaftay dagaaladii sokeeye ee dalkaasi ka dhacay.
Ra’iisul Wasaare Edouard Ngirente ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka muuqda ee Soomaaliya ay ku tillaabsatay wixii ka dambeeyay doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)
Gaba gabadii Maalinta Beri ah ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu kulan la yeesho madaxweynaha dalka Ruwanda ahna Guddoomiyaha Midawga Afrika Mudane Paul Kagame.