Saraakiisha Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland ee deegaanada Gobolada Jubbooyinka ayaa wax ay faah faahin ka bixiyeen qorsho ku aadan howlgal ay siwadajir ah u fulin doonaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Jubbaland.
Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Aadan Muxumed (Koojar ayaa sheegay in xaalada amni ee deegaanaad Jubbaland ay soo hagaageyso,sidoo kalena uu jiro qorshooyin ku saabsan in Ciidamada dowladda iyo kuwa jubbaland ay ka go’an tahay xoreynta deegaanada ka maqan gacanta dowladda Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay siwadajir ah u bilaabaan howlgalka Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay weli gacanta ku hayaan.
Sikastaba taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Janeral Cabduweli Jaamac Gorod ayaa shalay waxa uu gaaray deegaanka Baar-Sanguuni oo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland,halkaas oo lagu diyaarinayo Ciidamadii howlgalka fulin lahaa.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland  Aadan Koojaar.