Nin u dhashay dalka Faransiiska oo dhawaan soo islaamay ayaa la sheegay inuu xalay iska soo tuuray Dabaqa 3-aad ee Masjidka, xilli ay Kumanaan Muslimiin dawaafayeen.
Shilkaasi ayaa la sheegay inuu dhacay abaarihii 09:29 daqiiqo ee Fiidnimaddii xalay, iyadoo Kameerooyinka Qarsoon laga arkay ninkaasi oo ka soo boodaya Xayndaabka Ammaanka igsaoo ooynaya.
Qaar ka mid ah Warbaahinta Sacuduiga ayaa qoray in Ninkaasi isla markii uu dhulka ku so odhacay uu geeriyooday.
Marxuumka geeriyooday oo 26 jir ayaa la sheegay inuu ahaa Muwaadin Faransiisa ah oo soo islaamay, mana kala cadda sababaha ku dhaliyey inuu is-dilo.
Afhayeenka Boliska magaalladda Maka Al-mukarama ayaa sheegay inuu ninkaasi ku soo dhacay dhulka, isla markaana uu gereiyooday.
Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in maydka ninkaasi loo gudbiyey Isbitaalka, si loo ogaado Dhalashadiisa iyo sababaha ku dhaliyey dabeecadda uu iskaga soo tuuray Saqafka Sare ee Masjidka Maka Al-mukarama.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA NINKA ISKA SOO TUURAY MASJIDKA XARAMKA:
https://youtu.be/MV_AbjkIJS4
Sacuudiga waxay horey u sameeyeen xayndaab xoog leh oo dadka looga ilaaliyo inay ka soo dhacaan Dabaqyadda Masjidka Xaramka ee Maka Al-mukarama.
Bishii Feberaayo ee sannadkii 2017-kii, Nin ayaa isku dayey inuu isku dilo dhismaha Masjidka Xaramka, iyadoo laga hor tegay qorsshe uu ku doonayey inuu Baansiin isku holciyo.
WQ. Ustaad Nuradin