Hay’adda Socdaalka Caalamiga ee IOM ayaa sheegtay inay bilowday sidii ay Qalabka Dijitalka ee akhriya Faraha Dhoofayaasha ugu rakibi lahaayeen Garoonka Calaamiga ee magaalladda Muqdisho iyo Dekedda Weyn ee Muqdisho.
Hay’adda IOM waxay kaloo sheegtay in Qalabkaasi muhiim u yahay Kontoroolka si looga hortago Kiisaska Tahriibka iyo fal kasta oo isku day oo la isticmaali karo.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Hay’adda IOM ayaa lagu sheegay inay qorsheynayaan in 8 Dekedooda oo la casriyeeyo Qalabka wax loo baaro iyo in laga helo Liiska Dembiilayaasha.
Dhinaca kale, Hay’adda IOM ayaa sheegtay in Somalia la xoojin doono Dhismaha Hya’addaha Dowladda, gaar ahaaan Hya’addaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha.