Hadal-qoraal oo ay maanta so osaareen ayey ku sheegeen Xabbad-joojin 3 maalmood oo socon doonta Maalmaha Ciiddul-Fitriga ee foodda nagu soo haysa.
Daalibaan waxay sheegeen inay sii wadi doonaan Dagaalka ay kula jiraan Askarta Shisheeyaha ee jooga Afganistan iyo inay is-difaaci doonaan haddii la soo weeraro.
Qoraalka waxaa kaloo lagu xusay inaysan Daalibaan ka qeyb geli doonin Dabaaldegga Ciidda sababo dhinaca Ammaanka iyo inuu caddowga soo beegsado,..
Hadalkan ayaa soo baxay, kadib, markii uu Madaxweynaha Afganistan, Ashraf Qaani Khamiistii la soo dhaafay ku dhawaaqay Xabbad-joojin socon doonta ilaa bishan June 20-da.