Tartan Qur’aan Akhris oo ay ka qeyb galeen Tartamayaal ka kala socday dalalka Islaamka ayaa lagu soo gebagebeeyey magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
Axmed Burhaan Maxamed oo 16-jir ah waxa uu ka mid yahay Ardayda dhigata  Dugsiga (The Ubah Medical Academy) oo ku yaalla Hopkins ee Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaana Kaalinta 1-aad Tartanka Qur’aan Akhriska oo ay ka qeyb galeen 104 Tartamayaal ka kala socday Dalalka Caalamka.
Ardayga Somali-Maraykanka ee Axmed Burhaan Maxamed oo deggan New Brighton ee Gobalka Minnesota waxa uu noqday qofkii ugu horreeyey oo Maraykan ah ee ku guuleysta Tartankaasi oo 22-sanno jirsaday.
Agaasimaha Fulinta ee Dugsiga (The Ubah Medical Academy charter school) ee uu Ardaygaasi  dhigto, C/llaahi Faraax ayaa sheegay inuu Axmed Burhaan Maxamed ku bartay Qur’aanka Kariimka Masjidka Abuubakar Sadiiq oo ku yaalla magaalladda Minneapolis.
“Wa Guul Weyn oo Taariikhi ah oo u so ohoyatay Masjidkeenna, magaallada Minneapolis, iyo guud ahaan Maraykanka†ayuu sii raaciyey Maamulaha oo la hadlay mprnews.org
Axmed Burhaan Maxamed waxa uu barashadda Qur’aanka bilaabay isagoo 7-jir ah, wuxuuna dhameeyey 4-sanno kadib, isagoo noqday Xafaidul-Qur’aan.
Dhinaca kale, Wargeyska Gulf News ee ka soo baxa Imaaraadka Carabta  waxay Ardayga Somali-Maraykanka wax ka weydiiyeen sida uu u arko Guusha uu ka gaaray Tartanka Qur’aan Akhriska, wuxuuna Ardayga ku jawaabay: “Waa dareen weyn iyo Natiijo aan la rumeysan Karin guushayda isbuucanâ€
Waxa uu sii raaciyey: “Marna kuma fekerin inaan guuleysan doono, waayo Tartanku waxa uu ahaa mid adag, laakiin, waxaan aad uga mahad celinayaa Ilaahay Kheyrkaasi. Waxaa si gaar ah u macaan inaad ogaatid inaan Aniga ahay qofkii ugu horreeyey oo Maraykan ah ee ku guuleysta halkanâ€.
Ardayga Axmed Burhaan Maxamed waxa uu ku guuleystay Abaalmarin dhan 250,000 Dirhamka Imaaraadka oo u dhiganta ku-dhawaad 68,000 oo Dollarka Maraykanka.
Tartamaha Kaalinta 2-aad galay waxaa la siiyey 150,000 oo Dirham, halka Kalainta 3-aad la siiyey 100,000 Â oo Dirham.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA:Â Â https://youtu.be/PIj9CkgrQaY
Hambalyo Xaafidul-Qur’aanka da’da yar ee  Axmed Burhaan Maxamed    Â
WQ; Ustaad Nuradin