Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa sheegtay in ugu yaraan 2 Diplomaasi xanuun ka qaadeen Jabaq Xooggan oo ay Telefoonka kala kulmeen.
Wargeyska The New York Times ayaa qoray in Koox Caafimaad loo duuliyey Qunsulliyadda Maraykanka ku leeyihiin magaalladda GUWANGZU ee Koonfurta Shiinaha, si ay u baaraan Caafimaadka Diplomaasiyiintaasi iyo Qoysaskooda.
Mar si ihorreysay 24 Shaqaale Maraykan iyo xubno ka tirsan Qoysaskooda oo ka shaqeynayey dalka Kuuba iyo Shiinaha ayaa dhibaato kala kulmay Jabaqda xooggaan ee Telefoonka, wuxuuna dhaawac soo gaaray Maskaxda.