Boliska Kenya waxay ka codsadeen Maxkamadda Milamani ee magaalladda Nairobi in loo fasaxo inay 3 Ganacsato Somali-Kenyan sii hayaan muddo 21-maalmood, si ay u dhamaystiraan baaritaanka Dacwadaha loo haysto.
Mid ka mid ah Dembi-baarayaasha Boliska Kenya oo lagu magacaabo Moses Gitauthi ayaa u sheegay Maxkamadda inay u baahan yihiin Waqti dheeraad si ay baaritaankooda ugu ballaariyaan magaalladda Mombasa, halkaasi oo Sonkorta Kontorobaanka ee laga keenay dalka Brazil laga soo dejiyey.
Mos es Gitauthi waxa uu Maxkmadda u sheegay inay Ganacsatada khatar ugu jiraan inay dhoofaan haddii Damiin lagu si idaayo ama ay Sonkorta kala baxaan Bakhaarka ku yaalla Xaafadda Section 3 ee Xaafadda Eastleigh ee magaalladda Nairobi, waa sida uu hadalka u dhigay.
Ganacsatadaasi oo lagu kala magacaabo Daahir Xasan, Maxamed Axmed iyo Axmed Sheekh waxaa shalay la soo taagay Maxkamadda Milamani ee magaalladda Nairobi, waxaana la sheegay inaysan codsanin Rafcaan.
Garsooraha Maxkamadaasi, Martha Mutuku ayaa la filayaa inuu berrito ku dhawaaqo haddii la oggolaaday Codsiga Boliska ku doonayaan inay Xabsiga ku sii hayaan Ganacsatadaasi oo haatan ku xiran Saldhigga Boliska ee Shauri Moyo ee magaalladda Nairobi.
Si kastaba ha ahaatee, Ganacsatadaasi waxaa la sheegya in bilowgii isbuucan lagu qabtay  1,474 loor oo Sonkor Kontorobaan ah.