Wararka naga soo gaaraya Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in shirkii Amniga Qaranka ee Madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedayda la soo gaba gabeeyey.
Shirkaas oo socday mudo laba maalin ah ayaa mudo saacado ah ku darsaday waqtigii loogu talo galay kadib qodobada qaar oo la isku fahmi waayey balse ugu dambeyn ay heshiis ku kala saxiixdeen madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada.
Qodobada ugu adkaa balse haatan laga heshiiyey ayaa waxaa ka mid ah habka ay u dhaceyso doorashada Sanada 2020-ka oo laga dhigay qof iyo Cod iyo habka qeybsiga Kheyraadkaadka dalka.
Shirka ayaa Goordhow waxaa laga soo saaray Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen Madaxda ka qeyb gashay shirkaas.
Goordhow la socda Warmurtiyeedka shirka oo dhameystiran.