Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa duleedka degamda Balcad lagu weeraray kolonyo ay la socdeen xildhibaano ka tirsan dowlad goboleedka Hir-Shabeelle,iyada oo weerarkaas lagu dilay laba xildhibaan.
Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay halka loo yaqaano buundada Ilbiq oo u dhaw deegaanka Ceelka Geeloow oo ku yaalla inta u dahxeysa degamda Balcad iyo tuulada Qalimow.
Xildhibanada weerarkaas lagu dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Ismaaciil Muumin iyo Macalin Daahir Muqtaar iyo guddoomiye ku xigeenkii degmada Raaga Ceelle,waxaan dilkaas ka hadlay guddoomiyaha Baarlamaanak hir-Shabeelle.
Cismaan Barre Maxamed oo Caawa Wareysi siiyey Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa marka hore uga tacsidayeeyey Eheladaii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen Xildhibaanadii Galabta la dilay.
Waxa uu weerarkaas ku eedeeyey in ay ka dambeeyeen Al-Shabaab,waxa uuna sheegay ay Xildhibaanadaas la weeraray ay howlo sahqo ugu soo socdeen Magalada Muqdisho,isla markaana Maalinat berito ah la’aasi doono.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle.