Ilo dhinaca Ammaanka ayaa sheegay in la qabtay Muhaajiriin tiradooda guud dhan tahay 287 qof, kuwaasi oo intooda badan lagu xiray W/galbeed ee dalkaasi.
Ilaaladda Xuduudaha ee dalkaasi waxay sheegeen inay 220 Tahriibayaal ka qabteen Degmadda MERIC ee Gobalka EDIRNE ee W/Galbeed ee dalkaasi iyo Tuullooyinka Bosnakoy iyo Orhaniye.
Muhaajiriinta la qabtay waxay ka soo kala jeedaan dalalka Somalia, Syria, Pakistan, Libya, Algeria, Falastiin, Ciraaq, Morooko, Iiraan, Tunisia, Bangaladesh. Afganistaan, Senigaal iyo Koongo.