Barnaamijka noolaynta dhaqanka fanka ee Soomaalida ayaa toddobaadkan lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe, halkaasoo lagu soo bandjigay ciyaaro dhaqameed degaankasi ku caan ah.
Bandhig faneedkan noolaynta iyo dhaqanka qayb ka ah o ay daawashadiisa ka soo qayb galeen dad lagu qiyaasay illamaa 450 qof oo dumar u badan ayaa daawashada bandhiggaasi ay qaadatay in ka badan 2 saac iyo badh.
Masuuliyiin ka kala socday maamulka gobolka Sh/dhexe, iyo waxgaradka degaanka ayaa mahadiyay tallaabadan looga gol leeyahay noolaynta dhaqanka iyo fanka Soomaalida, taasoo muddo saddex bilood ah loogu talo galay inay ka kala socoto, degaanno ka mid ah gobollada Sh/dhexe, Sh/hoose, iyo Banaadir.
Xassan Barrow Boocow, oo ahaa ku simaha guddoomiyaha degmada Jowhar ayaa dhacdadan uga mahadceliyay wasaaradda warfaafinta doorkeeda noolaynta dhaqanka iyo fanka, waxa sidoo kale uu u mahadceliyay dhammaan dhinacyada kale ee gacanta ka gaystay qabsoomidda dhacdadan lagu noolaynayay dhaqanka iyo fanka.
Sidoo kale waxaa madashaas ka hadlay madaxa isboortiga ee gobolka Sh/dhexe, Cali Hilowle Cabdi “Dhacdooyinka naadirka ah ee noocan ah waxay dib u soo noolaynayaan dhaqankii iyo fankii, waxayna ka mid tahay dib u heshiisiinta iyo nabadda†ayuu yidhi Cali Hilowle Cabdi.
Ciyaaraha madashaas lagu soo bandhigay oo ay ka mid ahaayeen Shirib, Wilisiqo, Beerrey, Kabeebey, Buraanbur, iyo Waalo, ayaa daawashadoodu ay soo jiidatay dadkii ka soo qayb galay, kuwaas oo codsanayay in wakhtiga bandhigga fankaasi saacado dheeraad ah lagu daro.
Barnamijka noolaynta dhaqanka iyo fanka Soomaalida oo ay gacan mug leh ka gaysato wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa qaybo badan oo ka mid ah ay ka dheceen, degmooyinka Boondheere, iyo C/casiis ee gobolka Banaadir, iyo Afgooye, oo ka tirsan Sh/hoose, halkan bandhiggan ugu dambeeyeyna uu ka dhacay degmada Jowhar ee xarunta Sh/dhexe.
Degaanno kale oo hor leh ayaa lagu wadaa in bandhiyo noocan oo kale ah ay ka dhacaan.