Madaxweyne Bashaar Xaafid Al-asad ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu booqdo Hoggamaiyaha Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un.
“Waxaan u socdaa inaan booqdo dalka Waqooyiga Kuurya (DPRK), si aan ula kulmo Kim Jong Un†ayuu yiri Madaxweynaha Syria, sida ay baahisay Wakaalladda Wararka Waqooyiga Kuurya (KNCA).
Madaxweyne Asad waxa uu hadalkaasi ka sheegay Munaasabad uu bishii la soo dhaafay ee May 30=dii Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay Danjiraha Waqooyiga Kuurya u jooga Syria, Mun Jong Nam.
Madaxweynaha waxa uu tilmaamay inay Dowladda Syria weligeeda si buuxda u taageeraan dhamaan Siyaasadaha iyo Hoggaaminta dalkaasi iyo xoojinta xiriirka u dhexeeya labada waddan.
Dhinaca kale, Xafiiska Madaxweynaha Syria wax hadal ah kama soo saarin wararka sheegaya inuu booqan doono dalka Waqooyiga Kuurya.
Labada Waddan waxay xiriir Diplomaasiyadeed yeesheen sannadkii 1965-kii, iyadoo Waqooyiga Kuurya Safaarad ka furteen magaalladda Dimishiq, halka Safaaradda Syria laga furay magaalladad Pyongyang sannadkii 1969-kii.
Xiriirka Milliteri ee labada Waddan ayaa bilowday, kadib, markii ay Waqooyiga Kuurya 530 Askari u dirtay Syria sannadkii 1967-kii oo uu socday Dagaalkii dhex maray Yuhuudda iyo Carabta.
Ciiddankaasi ka socday Waqooyiga Kuurya waxaa ka mid ahaa Duuliyayaal, Dareewaladda Taangiyadda iyo Ciiddanka haga Gantaalladda.