Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in deegaano ka tirsan gobolkaasi uu dagaal khasaaro geystay ku dhexmaray ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya markii ay weerareen deegaan hoosyimaada deegaanka Moqokori oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsanaa  Al-Shabaab.
Wariyaha Radio Dalsan ee Gobolka Hiiraan Maxamed Tobanle ayaa soo sheegaya in Ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti  ay weerarkaas ay siwadajir ah u fuliyeen,isla markaana ay deegaankaas la wareegeen.
Sidoo kale waxaa wararka kale e nasoo gaaraya ay sheegayaan in Ciidamada dowlada ay isaga soo baxeen deegaankii ay la wareegeen,isl markaana ay dib ugu soo laabteen deegaanka Moqakori oo ay markii hore ka tageen.
Sikastaba Al-Shabaab weli kama hadlin dagaalkaas dhexmara Ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso Wareysi Wariyaheena Gobolka Hiiraan Maxamed Tobanle.