Dowladda Tanzania ayaa sheegtay inay 30% kordhiyeen Miisaaniyadda Difaaca ee dalkaasi ee sannadaha 2015 iyo 2016.
Wasiirka Difaaca iyo Adeegga Qaranka ee dalkaasi, Hussien Mwinyi ayaa Barlamaanka u soo bandhigay Kharajka Miisaaniyadda ee Ciiddanka, wuxuuna tilmaamay in saddexda Qeyb ee Ciiddanka Difaca dadka ee Tanzania (TPDF) loo qoondeeyey lacag dhan 808 million oo Dollar.
Wargeyska The Citizen ee ka soo baxa magaalladda Dara Salaam ayaa ka soo xigtay Wasiirka in Kordhinta Miisaaniyadda Difaaca inay qeyb ka tahay sidii Ciiddan badan iyo Dhallinyarradda Shaqada Qaranka loogu tababari lahaa sidii ay dalka Tanzania uga difaaci lahaayeen Alshabaab iyo kooxaha kale ee ka hawlgala Gobalka.
Wasiirka waxa uu tilmaamay inay jiraan Kooxo gudaha Tanzania ku soo korayo, kuwaasi oo uu xusay inay qortaan Dhallinyarro ka qeybgalka Hawlgalladda Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.
Waxa uu intaasi ku daray inay indhaha ku hayaan arrintaasi iyo Mashaa’iqda dhallinyarradda barayo Xag-jirnimadda.
Sannadkii la soo dhaafay, Sirdoonka dalka Tanzania waxay sheegeen inay hayaan caddaymo muujinaya inay Alshabaab maalgeliyaan sidii ay Dhallinyarro uga qoran lahaayeen  gudaha Tanzania.
© Warqabadka Dalsan Radio