Weli waxaa taagan khilaafka Siyaasadee ee ka dhex jira Madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug kuwaas oo haatan kala degan Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.
Khilaafkaas ka dhex jira Madaxda Maamulka Galmudug ayaa waxaa looga digay in ay soo dhex galaan Madaxda Dowlad goboleedyada,kuwaas oo saaxiib dhow la’ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa sheegay ayaa uga digay Madaxda Maamul Goboleedyada in ay khilaafkaas oo dhex galaan iyaga oo taageera siinaya Madaxweynaha Galmudug.
Waxa uu sheegay in madaxda dowlad goboleedyada qaarkood uu kala hadlay arrinta khialafka Madaxda Galmudug,waxa uuna ka codsaday in khilaafkaas ay dhex dhexaad ka noqdaan ama ay taageeraan madaxda Shacabka Galmudug.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi.