Agaasimaha xiriirka hey’adda QM  ugu qaabilsan dhinaca carruurta ee UNICEF Paloma Escudero, oo wareysi siiyay wakaallaa wararka dalka Shiinaha ee Xinhua, ayaa waxa uu sheegay in carruurta ku nool wadamada Nigeria Somalia iyo koonfurta Sudan, in ay ku jiraan  Faqrinimada.
Waxa  uu carabka ku dhuftay, in carruurta ku nool wadamadasi, aysan helin, nafaqo ku filan, waxbarasho, iyo adeegyo caafimaad intaba.
Warbixinta hey’adda UNICEF, ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in carruurtaasi ay u baahan yihiin fursado, waxaana ay ugu baaqeen wadamada caalamanka in ay taageero ay muujiyaan.
Tiro-koobkii ugu dambeyay ee ay Bangiga Adduunka, ayaa waxaa lagu cadeeyay in 1 Million oo ruux  oo ku nool wadamada aduunka uu dakhliga soo gala maalintii uu yahay 1.25 dollars.
Hay’adda  QM ugu qaabilsan dhinaca carruurta ee UNICEF, ayaa waxaa ay ka howgll-gashaa 190 wadan oo ka mid ah Caalamka.
© Warqabadka Dalsan Radio
Â