Hadal ka so obaxay Milliteriga Yuhuudda ayaa lagu sheegay in Askarigaa uu u geeriyooday dhaawac ay Falastiiniyiinta u geysteen Khamiistii la soo dhaafay.
Askarigaasi oo la oran jirey Saddex Alifle Ronen Lubaraski ayaa ladhaawacay xilli uu hawlgal u joogay magaalladda Ramala.
Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Reer Falastiin, Mxaamuud Cabaas ayaa la filayaa in berrito laga soo saaro Isbitaal ku yaalla magaalladda Ramala oo uu ku jiray tan iyo bishan 20-da.
Madaxweyne Abu Maasim ayaa la sheegay inya xaalladiisa caafimaad soo hagaagayso, iyadoo laga daawaynayey Caabuq kaga dhacay Sambabka.