Shirkadda Diyaaaradaha ee United Airlines ayaa raalli-gelin ka bixisay fal lagula kacay Haweeney Muslimad ah, xilli ay ku duulaysay Duullimaad guraha Maraykanka ahaa.
Mid ka mid ah Shaqaalaha ka shaqeeya Shirkadda (Kaaliyaha Duulimaadka ama flight attendant ayaa u diiday inuu haweeneyda Muslimadda ee lagu magacaabo Taheera Ahmed uu siiyo Sharaab Qasacadeysan, iyadoo loo sheegay inay hub ahaan u isticmaali karto qasaca.
Hadal ka soo baxay Shirkadda ayaa lagu sheegay in  qofka ku kacay falkaasi laga mamnuucay inuu u adeego Macaamiisha Shirkadda.
Shirkadda ayaa sheegtay inay baaritaan sameeyeen, kadib, markii ay Taheera Ahmed tacadiga loo geystay ku baahisay Warbaahinadda Bulshadda, isla markaana ay Kumanaan qof sheegeen inay qaadici doonaan inay raacaan Diyaaradaha Shirkadda United Airlines.
Taheera Ahmed iyadoo uu masar u xiran yahay ayey raacday duullimaad Diyaarad Shuttle America for United oo ka ambabaxday magaalladda Chicago, kuna sii jeeday magaalladda Washington.
Afhayeenka Shirkadda Republic Airways oo ay hoos tagto Shirkadda The Shuttle America United, Bob Birge ayaa sheegay inay siyaasad ahaan mamnuuc ahayn in Rakaabka la siiyo sharaabka qasacadaha xiran (unopened cans to passengers).
Qoraal ay Shirkadda United Airliens soo dhigeen Twitterka waxay sheegeen inay Tareeqa Ahmed ka mid tahay macaamiishooda, kana raalli-gelinayaan falkii ku dhacay.
© Warqabadka Dalsan Radio