Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdogan ayaa la filayaa in la mamnuuco qaar ka mid ah Badeecadaha laga keeno Yuhuudda, sababo la xiriira falalka ay Askarta Yuhuudda ku dileen Falastiiniyiintii dibadbaxa ka dhigtay Marinka Qasa.
Madaxweynaha Turkiga oo la hadlay Suxufiyiinta, markii uu ka soo laabtay Safar uu ku tegya dalka Bosniya ayaa sheegay inay 57-ka waddan ee xubnaha ka ah Ururka Islaamka ee OIC go’aamiyeen in la qadaco dhamaan Badeecadaha Yuhuudda.
Madaxweynaha Turkiga oo doonaya inuu mar kale ku guuleysto Doorashadda bisha soo socota ka dhici doonta dalkaasi ayaa sheegay haddii dib loo soo doorto inuu xiriirka Dhaqaale iyo Gnaacsi u jari doono Yuhuudda.