Shaqaale ka hawl-galo Dukaan lagu iibiyo Kafayga oo ku yaalla magaalladad Riverside ee Gobalka California ee dalka Maraykanka ayaa la sheegay inuu diiday in nin Caddaan ah laga iibiyo Kafeyga, kadib, markii uu aflagaadeeyey Gabar Muslimad ah oo xirnayd Indha-shareer ama Naqaabka.
Dhacdadab waxaa la sheegay inay Jimcihii la soo dhafaay ka dhacday Dukaanka lagu magacaabo  Coffee Bean & Tea Leaf shop oo ku yaalla magaalladda Riverside ee Bariga magaalladda Los Angeles, sida uu baahiyey Telefishinka  KTLA-TV
Nin ku sugnaa Dukaanka ayey u suurto-gashay inuu Mobalkiisa Smartphone-ka ah ku duubo Muuqaalka, oo uu ku lug lahaa hal nin oo aflagaadeeyey Haweeney Muslimad ah oo Naqaab madow, iyo Xijaab ku hagoognaa wejigeeda, marka laga reebo Indhaheeda.
Haweeneydaas waxay nafsad ahaanteeda sheegtay inay Muslimad tahay.
Codka laga maqlayo Muuqaalkaasi waxaa ka mid ah Gabadha Muslimadda oo ninki u gefay ku oranaysa: “Ma og tahay inaan Muslim ahayâ€, waxayna u sii raacisay haddii uu iyada dhibaato ku qabo.
Ninka ay Islaam-nacaybka madax martay waxa uu uu Gabadha Muslimadda ah si kibir ku jirta ku yiri:- “Anigu ma jecli Diintaada, side kula tahayâ€, wuxuuna ku sii daray: “Anigu ma doonayo inaan adiga ku diloâ€.
Dhinaca kale, Muuqaalka waxaa laga maqlayaa qeylo Ninka lagu amrayo inuu baxo.
Horjooge magaceeda ku soo koobtay Tawny Alfaro oo ka hawl-gasha Dukaanka Kafayga ee Gabadha Muslimadda lagu caayey waxay diiday inay Ninkii wax aflagaadeeyey ka iibso Kafeyga, waxayna sheegtay inuu  Ninku ahaa  Rabshoole Cunsuri ah.
Haweeneyda Muslimadda ayaa ku qanacday Taageeradda ay Shaqaalaha Dukaanka iyada u muujiyeen, waxayna ku tiri: “ Waad mahadsan tihiinâ€.
Muuqaalkaas yar oo la soo dhigay Barta Twitter-ka waxaa la daawaday 1.6 million oo jeer habeenkii Isniinta ee la soo dhaafay oo keliya.
Si kastaba ha ahaatee, lama shaacin magaca Ninka Cunsuriga ee muujiyey Islaam-nacaybka iyo magaca Gabadha Muslimadda ee u uaflagaadeeyey.
Halkan ka daawo Muuqaalka Video-ga ee Dhacdadan:
https://youtu.be/BUadxQ7t058