Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa lagu wadaa in uu manta u ambabaxo Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Waxaa halkaasi shir uga socdaa Madaxda Maamul goboleedyada dalka kajira,waxaan Arbacada maanta laga dareemayaa Baydhabo qaban qaabada soo dhaweynta Guddoomiye Mursal.
Ujeedka Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu ku tegayo Baydhabo ayaa lagu sheegay in uu la kulmi doono madaxda Maamul goboleedyada ee ku shirsan halkaas .iyada oo shirkooda dhaliilo farabadan laga muujiyey.
Madaxda Dowlad Goboleedayda ayaanan weli shirkoodii soo gaba gabeyn,waxana warar soo baxayay ay sheegayen in ay jiraan qodobo ay isku mari la’yihiin taas oo waqtiga ku dheereysay.