Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay  ubax dhigey taaladda SYL si loo wayneeyo Tariikhda Hal gamayaashii dhalinyaradii Gobonimo doonka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa ku wehlinayay Ubax-dhiga Qaar ka mid ah golihiisa Wasiirada iyo taliyayaasha Ciidamada,xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka iyo madax kale.
Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in manta ay tahay 75-guuradii kasoo wareegtay markii ay bilaabeen dhalinyaradii SYL halgankii.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay jiri doonaan munaasabado kale oo lagu weyneynaayo maalin kale.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare kheyre kana daawo Sawirada.