Dacwad=oogayaasha Federalka Jarmalka waxay maanta dacwad ku soo oogeen Nin Soomaali ah oo magaciisa lagu soo koobay C/qaadir kaasi oo lagu soo oogay inuu xubin ka ahaa Alshabaab.
Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in Eedeysanaha oo 20-jir ah uu ka dhoofay Jarmalka, kuna biiray Alshabaab, isagoo loo soo tababaray isticmaalka Bam-gacmeedyadda iyo Bistooladaha, waa sida hadalka loo dhigay.
Dacwad-oogayaasha waxay sheegeen inuu Eedeysanaha ka soo goostay Alshabaab bishii October ee sannadkii 2012-kii, isla markaana uu dalka Jarmalka ku soo laabtay bishii June ee sannadkii 2014-kii.