Ergyaga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu ka jawaabayey su’aallo ay Warbaahinadda Calaamiga iyo kuwa Maxaliga iyo Aqoonyahannadda weydiiyeen, iyadoo su’aalaha u marsiiyeen Via Twitterka.
Weriyayaasha Dalsan Radio waxay Nicholas Kay wax ka weydiiyeen xaalladda liidata ee Ciiddanka Dowladda Federalka ee SNA, waxa uu sheegay inay QM taageero muhiim ah oo dhinaca  Loojistiko siiyaan Ciiddanka Qaranka Somalia ee SNA.
“QM waxay Taageero Loojistiko oo muhiim ah siiyaan Ciiddanka Qaranka Somalia, laakiin, waxaan kuugu raacsanahay in wax aad u badan loo baahan yahay si loo dhiso Ciiddan Soomaaliyeed oo xoog leh†ayuu yiri Nichola Kay.
Nicholas Kay waxaa kaloo wax laga weydiiyey mushaarka liita ee Ciiddanka Dowladda Federalka ee SNA marka loo barbar dhigo Ciiddanka Hawlgalka AMISOM, waxa uu shegay haddii Federalismka Somalia lagu guuleysto inay Somalia noqon doonto mid xooggan oo aad u mideysan.
Mar wax laga weydiiyey xiriirka liita ee u dhexeeya Dowladda Federalka iyo Dowlad-gobaleedyadda, waxa uu ku baaqay in dhamaan Dowladaha xubnaha ka ah Federalka Somalia la dhamaystiro, isla markaana la badbaadiyo dhamaan danaha bulshooyinka oo dhan.
Dhinaca kale, Ergyaga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay, waxa uu ka gaabsaday inuu ka jawaabo Ciiddanka Nabad-ilaalinta Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM iyo xiisadda ka taagan dalka Burundi.
Mar wax laga weydiiyey sababaha aan weli heshiiska looga gaarin Istaraatijiyadda bixitaanka AMISOM  iyo taariikhda ay ka bixi doonaan Somalia, waxa uu sheegay inay tahay su’aal isaga uga baahan feker adag, wuxuuna muujiyey inuusan ka jawaabi karin arrimahaas.
Su’aalaha Nicholas Kay lagu weydiinayey Via Twitterka ayaa ku soo beegantay iyadoo Xafiiska Siyaasadda ee QM uu labo gu’ jirsaday.
© Warqabadka Dalsan Radio