Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee dalka Raashiya, Mikhail Bogdanov ayaa sheegay inay ka waalaacsan yihiin xiisadda Milliteri ee sii kordhaysa ee u dhexeysa Yuhuudda iyo Iiraan oo iyagu dxalay Madaafiic isku weydaarsadeen gudaha Syria.
Waxa uu ugu baaqay labada dhinac inay is-xakameeyaan, isagoo sheegay in loo baahan yhaya in laga shaqeeyo sidii loo joojin lahaa Xiisadaasi.
Dhinaca kale, Afhayeenka Milliteriga Yuhuudda, Jonathan Conricus ayaa u sheegay  Suxufiyiinta inay Dowladda Raashiya ku wargeliyeen Duqeyntii ay ciiddankooda xalay ku weerareen fariisimadda ay Ciiddanka Iiraan ku leeyihiin gudaha Syria.
Waxa uu intaasi ku daray inay duqeeyeen Tobanaan Fariisin oo ay Ciiddanka Iiraan ku leeyihiin gudaha Syria, isago osheegay inay beegsadeen Dhismayaasha Sirdoonka, Loojistikada, Kaydadka Hubka iyo gaadiid.
Afhayeenka waxa kale oo uu tilmaamay inay Ciiddanka Iiraan tobanaan Gantaal ku duqeeyeen baraha ay Ciiddanka Yuhuudda ku leeyihinn Buuraha Golan Haytis.