Wasaaradda Difaaca ee Kenya ayaa soo saartay Warbixin Qiimeyn ah oo lagu muujiyey inay Alshabaab maalmaha soo socda weeraro badan ka geysan doonaan qeybo ka mid ah Kenya
Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in loo soo gudbiyey Warabixintaasi ka digaysa Weeraradda ay Alshabaab ku lug leeyihiin ee ka dhici doona dalkaasi.
Warbixinta ayaa lagu xusay inay Alshabaab qorsheynayaan sidii ay Miinooyinka dhulka lagu aaso ee IED u gudbiyaan Kenya inta lagu guda-jiro Xilliga Bisha Ramadaan ee soo socota, waa sida hadalka loo dhigay.
.Warbixinta Wasaaradda Difaaca Kenya waxay ku baaqday in Feejignaan dheeraad ah muujiyaan Hay’addaha Ammaanka, gaar ahaan Ciiddanka Hawlgalka Roondada ku sameeya Xuduudka Kenya la wadaagaan Somalia.
Warbixinta Qiimeynta ee Wasaaradda Difaaca Kenya ayaa soo baxday, kadib, markii ay Alshabaab 9 Askari oo Kenyan ah ku dileen Qarax miino oo ka dhacay meel ku dhow Degmadda Dhoobley oo u dhow Xadka Kenya.
Askartaasi ayaa geeriyootay habeenkii Axadda ee la soo dhafaay, kadib, markii ay Alshabaab qarax la beegsadeen gaarigii ay Askartaasi la socdeen oo noociisu ahaa LAND CRUISER
Dagaalamayaasha Alshabaab waxay horey u shaaciyeeen Dagaal ka dhan ah Askarta Kenya, kadib, markii ay Dowladda Kenya ciiddamo u soo dirtay gudaha Somalia sannadkii 2011-kii.