Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa Xafiiskiisa waxa uu kula kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo labadiisa kuxigeen.
Kulankaan ayaa ahaa kii ugu horeeyey tan iyo markii la doortay guddoomiye Mursal,waxana kulanka ay uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya xukuumadda iyo Baarlamaanka maadaama khilaafkii dhacay guddoomiyihii hore uu ku baxay.
Sikastaba Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa lagu wadaa in Maalinta Berito ah uu markii ugu horreysay shir guddoomiyo kulanka Baarlamaanka Soomaaliya.