Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, MEFLUT KAFUSOGLU ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu MAANTA siiyey Telefishinka CNN TURKI, wuxuuna xusay inay tallaabo qaadi doonaan, haddii ay Maraykanka joojiyaan Hubka ay Turkiga ka iibiyaan.
Wasiirka ayaa sheegay inay Mudanayaasha Aqalka Wakiilladda ee Kongareeska Maraykanka soo jeediyeen in si KMG ah loo joojiyo hubka laga iibinayo Turkiga oo ay ku jiraan Diyaaradaha F 35.
Waxa uu intaasi ku daray inay Soo-jeedintaasi tahay, qalad iyo doqoninimo, kana turjumaynin Xuquuqda Isbahaysiga u dhexeeya daalalka ku jira Isbahaysiga NATO.