Madaxa Siyaasadda Dibedda iyo Ammaanka ee EU-da, Federica Mogherini ayaa hadalkaasi ka sheegay, kadib, markii ay ka qeyb gashay Kulankii Caadiga ee Wasiiradda Difaaca ee Dowladaha xubnaha ka ah EU-da
Kulankaasi waxaa looga xaajooday Barnaamijka Difaaca iyo Hawlgalladda ee EU-da iyo Iskaashiga Isbahaysiga NATO iyo QM ee Hawlgalladda Nabad-ilaalinta iyo Maareynta Xiisadaha.
Federica Mogherini oo Suxufiyiinta la hadashay waxaa wax laga weydiiyey Su’aal ku aadan Hawlgalka Ciiddanka Badad ee Midowga Europe kula dagaalamayaan Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia waxay sheegtay in si muuqda loo itaal-yareeyey falalkii Burcad-baddeeda ka qowleysata meelaha ka baxsan Badda Somalia.
Waxay ammaantay Hawlgalka ATALANTA ee ay Ciiddanka Badda EU ka wadaan Badda Somalia, iyadoo sheegtay inay iyaga muhiimad Istaraatijiyad leh u tahay inuu Hwalgalakasi ku shaqeynayo si xawli buuxa ah.
Dhinaca kale, Madaxa Ururka Midowga Europe ugu qaabilsan Siyaasadda Dibedda iyo Ammaanka, Federica Mogherini waxay sheegtay inay rajeynayso inay Dowladaha EU-da dhamaadka bishan ama horaanta bisha soo socota Go’aan ka qaadan doona halka loo wareejin doono Xarumaha Dhexe Dhexe ee Hawlgalka La-dagaalanka Burcad-baddeeda, oo haatan ku yaalla magaalladda London.
Waxayna carrabka ku dhufatay inay jiraan 2 waddan oo danaynaya inay marti-geliyaan Xaruntaasi, inkastoo aysan shaacinin magacyadda dalalkaasi.
Dowladaha Spain, Talyaaniga iyo Holland ayaa horey tartan ugu jiray sidii ay Xarumaha dhexe ee Hawlgalkaasi u marti gelin lahaayeen.