Weerarkan ayaa dad xogogaal ah oo degaanka ah ay noo sheegeen inuu ka dhacay degaanka lagu magacaabo Shimbir Faatumo oo ku taalla Koonfurta Mnadera
Mid ka mid ah mas’uuliyiinta Gobolkaasi ayaa idaacadda VOA u sheegay in la aamisan yahay ugu yaraan laba qof oo rayid ah inay ku dhinteen weerarkan, ilaa saddex kalena ay ku dhaawacmeen.
Wargayska Daily Nation ee dalkaasi Kenya kasoo baxaya oo weerarkan wax ka qoray ayaa soo xigtay Madaxa Amniga ee Gobolka Kutswa Ololka oo isagu u sheegay inaysan weli caddayn tirada dadka waxyeelladu kasoo gaartay weerarkaasi.
Waxay Daily Nation sheegtay in ciidamo ka tirsan kuwa amniga ay ku baxeen goobta weerarku ka dhacay.
Gobolka Mnadera waa kan ugu badan Waqooyi Bari Kenya ee ay ka dhacaan weerarrada Al-Shabab ay ka gaystaan waqooyi Bari Kenya.
Bishii May ee sannadkii hore weerar ay Al-Shabab ka gaysteen duleedka magaalada Ceel-Waaq dhianaca Kenya waxaa ku dhintay laba ka mid ah shaqaalaha qoda carro-kaawada.
Bishii Diisambar ee sannadkii 2014-ka weerar ay Al-Shabab ku qadaday shaqaalaha qoda carrada waxaa ku dhintay 36 ka tirsan shaqaalahaasi taasi oo horseedday inay si xawli ah shaqaalaha aan Soomaalida ahayn uga qulqulaan gobolkaasi.