Baraha Bulshada iyo Wabsite-yada qaarkood ayaa waxaa lagu faafinayay in ay dib uga dhacday doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qorshuhu yahay in Isniinta Maanta ah ay dhacdo,waxana arrinkaasi beeniyey guddiga doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Aadan Shaacir oo ah Madaxda Maaliyadda ee Guddiga doorashada oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in warkaas aan waxba ka jirin,isla markaana sidii loo qorsheeyey ay Maalinta u dhaceyso doorashada.
Waxa uu sheegay in Wararkaas ah in dib loo dhigay ay faafiyeen dad dano gaar ah leh oo doonaya in ay qalalaaso abuuraan sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxaan weydiinay illaa iyo hadda in uu jiro musharax ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay u tartamida xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.waxa uuna sheegay in weli wax cudurdaar ah uusan u soo gudbin ruux ka mid ah 11 musharax ee u taaqan qabashada xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Aadan Shaacir oo ah Madaxda Maaliyadda ee Guddiga doorashada.