Guddoomiyaha Xisbiga Jiilka Dimuqraadiyadda ama (The Democratic Generation Party) ee dalka Masar, Naaji Al-shahaabi ayaa sheegay inay Somalia muhiim u tahay Ammaanka Masar iyo dalalka kale ee Carabta, gaar ahaan dalalka Gacanka Carbeed.
Waxa uu intaasi ku daray inay taasi tahay sababta aysan Masar uga aamusi Karin, inta ay Xooggaga Gobalka doonayaan inay soo af-jaraan Isku-daygooda khatarta leh.
“Ammaanka Somalia waxa uu awood toos ah ku leeyahay Ammaanka Masar, Gcaanka Carabta iyo Waqooyiga Afrika†ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga Jiilka Dimuqraadiyadda ama (The Democratic Generation Party) ee dalka Masar, Naaji Al-shahaabi.
Waxa uu intaasi ku daray inaysan Masar awoodi Karin inay qeybta muhiimka ee Amniga Qarankooda uga tagaan Gacmaha dalalka kale.
Dhinaca kale, Xisbiyadda Siyaasadda ee dalka Masar waxay ugu baaqeen Dowladda Masar in laga hortago Xasaasiyadda ay Turkiga iyo Qatar ku yeesheen Arrimaha gudaha ee Somalia, iyadoo ay dalalkaasi sii ololinayaan Xiisadda u dhexeysa DFS iyo Imaaraadka Carabta.
Xeeldheerayaasha Masaarida waxay walaac xooggan ka bixiyeen in Deganaansho La’’aanta ka jirta Somalia ay khatar gelin karto Ammaanka Gacanka Baabul-mandab, Badda Cas iyo Kanaalka Suweys ee dalka Masar.