Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa wax ay sheegayaan in qarax  lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Dowladda Kenya iyo kuwa Maamulka Jubbaland ee ka arimiya deegaannada Jubbooyinka.
Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka deegaanka buulo Gaduud gaar ahaan inta u dhaxeysa Magalada Kismaayo iyo deegaanka buulo Gaduud.
Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay Dalsan,isla markaana diiday in Magacooda iyo codkooda loo adeegsado qalabka Warbaahinta ayaa wax ay sihoose inoogu sheegeen in jugta qaraxa ay maqleen iyo rasaas laakin aysan ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Kolonyada Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ay qeyb ka ahaayeen ciidamo Ameerikaan ah,waxaana la soo sheegayaa in xaalada halkii ay waxka dhaceyn ay tahay mid degan.
Saraakiisha Ciidamada Jubbaland weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxaas iyo khasaaraha guud oo uu geystay,waxaana Wararkii ugu dambeeyey ee nasoo gaaraya ay sheegayaan in kulonyadii ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland ay socdaalkoodii siiwateen.
Deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay weeraro iyo qaraxyo lala eegtay ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland,waxana dhowr jeer ay Saraakiisha ciidamada Jubbaland ay sheegeen in ay ka hortegi doonaan Weerada uga imaanaya dhanka Al-Shabaab.