Siyaasiga Faarax Macalin marna soo noqday afhayeenka Baarlamaanka Kenya ayaa si kulul u weeraray siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda Soomaaliya ee xiriirka la sameynaya dowladdaha shisheeye.
Faarax Macalin ayaa sheegay in ay jiraan dad la shiraya dowladda Imaaraadka Carabta oo uu haatan khilaaf xooggan kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya,isla marakana dowladda Imaaraadka ay tahay mid cadaw ku ah Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in qof walba oo doonaya in uu xiriir la sameeyo dowladaha Caalamka midkood in uu ogolaansho ka heysto dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana uu cadeeyo qorshaha uu halkaasi u tagayo,isaga oo ay wehlinayaan amsuuliyiin ka tirsan dowladda.
Hadalkan oo uu Faarax macalin ka sheegay munaasabad lagu soo dhaweynayay oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli shalay dowladda Kenya ay joojisay Xaflad lagu soo dhaweyn lahaa Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ah Siyaasi aad u dhaliila Madaxda Dowladda.
Hoos Ka Dhageyso Codka Siyaasiga Faarax Macalin.