Madaxweynaha dalkaasi, Cumar Xsaan Al-bashiir waxa uu xilka ka qaaday Wasiirkii Arrimaha Dibedda, Ibraahim Qanduur, kadib, markii uu Wasiirka si kulul u naqdiyey Xaalladda Maaliyadeed ee Diplomaasiyiinta dalkaasi u jooga dalalka Caalamka.
Wakaalladda Wararka u faafisa Dowladda Suudaan ee SUNAÂ ayaa baahisay Qoraal kooban oo lagu sheegtay Wareegtadda Madaxweynaha ee Xilka looga qaaday Wasiir Ibraahim Qanduur.
Xil-ka-qaadistan aya timid, kadib, markii uu Wasiirkaasi khudbad ka jeediyey Barlamaanka Suudaan, isagoo sheegay inaaysan Diplomaasiyiinta Safaaradaha Suudaan wax mushaar ah la siinin 7-dii bilood ee la soo dhaafay.
Waxa uu ku eedeeyey Saraakiisha Bangiga Dhexe ee Suudaan inaysan dirin Mushaaraadka Diplomaaiyiinta Safaaradaha Suudaan ku leedahay dalalka Caalamka.
Wax faahfaahin rasmi ah lagama bixinin Xil-ka-qaadistaasi oo lagu dhawaaqay saacado kadib, markii uu Madaxweyne Albashiir ka soo laabtay dalka Sacuudiga, mana kala cadda qof beddeli doono Wasiirka xilka laga qaaday.
Si kastaba ha ahaatee, Ibraahim Qanduur waa Diplomaasi muhiim ahaa xal-u-helista Xiisadihii dalka Suudaan kala dhexeeyey Masar iyo Ethiopia, wuxuuna gacan ka geystay sidii ay Dowladda Maraykanka xayiraadda uga qaadi lahayd dalkiisa Suudaan.
Waxa uu udub-dhexaad u ahaa Wada-xaajoodka Dowladaha Suudaan iyo Ethiopia ee qeybsiga Biyaha Webiga Niil, iyadoo ay Dowladda Ethiopia ka dhistay Webiga Niil biyo-xireen weyn iyo Mashruuc Koronto.