Guddoomiyaha Degmadda Wajeer ee Gobalka W/bari Kenya, Ahmed Abdullahi ayaa ka codsaday Hay’addaha Ammaanka ee Kenya inay dhowraan Sharciga marka ay ku guda-jiraan Hawlgalladda La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda.
Isagoo ka hadlayey Munaasabadda Maalinta Madaraka Day oo shalay lagu qabtay Wajeer, ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka  lagu tuhmayo falalka Argagixiso in la hor keeno Sharciga.
Waxa uu  si kulul u cambaareeyey Muuqaalladii dhawaan la soo bandhigay ee muujinayey Ciiddanka Ammaanka ee Kenya oo ku tacadinayo dhallinyarro ka tirsan Soomaalida Kenya ee ku nool W/bari Kenya.
“Xasuuqii Wagala ee ay Hay’addaha Ammaanka horey uga geysteen Wajeer ayaa weli la xusuustaa, waana nasiib darro inay mar kale dhacaan Jirdil iyo Tacadiyo†ayuu yiri Guddoomiyaha Degmadda Wajeer.
Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay in Ciiddamo dheeraad ah la keeni doono Wajeer, si ay uga hortagaan weeraradda Dagaalamayaasha Alshabaab la  beegsadaan goobaha waxbarashadda iyo Ardayda, waa sida uu hadalka u yiri.
© Warqabadka Dalsan Radio