Yaboohaasi ayaa yimid, kadib, markii uu Madaxweynaha Masar, C/Fataax Alsisi shalay Wicitaan Telefoon ka helay dhigiisa Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Afhayeenka Madaxtooyadda Masar, Ambassador Bassam Radi ayaa sheegay inay Labada Madaxweyne ka wada hadleen Xirirka labada dal, Xaalladihii ugu dambeeyey ee Somalia iyo La-dagaalanka waxa uu ugu yeeray Kooxaha Argagixisada, waa sida uu hadalka u dhigay.
Wargeyska AL-DASTUUR ee ka soo baxa magaalladda Qaahira ayaa qoray inuu Madaxweyne Farmaajo sheegay inuu Xiriir Taariikhi ah ka dhexeeyo labada Waddan, wuxuuna ammaanay Taageeradda ay Dowladda Masar ka qaadato sidii loo xaqiijin laha Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.
Madaxweyne Farmaajo waxa kale oo uu tilmaamay inay DFS ka go’an tahay inay sii wadaan xoojinta Iskaashiga kala duwan iyo Wada-tashiga ay la leeyihiin Dowladda Masar.
Madaxweynaha waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey Tallaabooyinka ay DFS qaatay, si loo soo celiyo Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia iyo Caqabadaha hor taagan DFS.
Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay ee ay Labada Madaxweyne ku wada hadlaan Khadka Telefoonka, inkastoo Wada-hadalkoodii shalay ahaa kii ugu horreeyey tan iyo markii Madaxweyne C/fataax Alsisi mar 2-aad ku guuleystay Xilkaasi.
Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Masar, C/Fataax Alsisi ayaa isagana sheegay inuu xiriir xooggan ka dhexeeyo Somalia iyo Masar, wuxuuna xusay inay Masar ka go’an tahay inay sii wadaan Taageeradda ay ka geystaan Midnimadda Somalia.