Taliyaha oo la hadlay Ciidankaasi, ayaa ku dhiiri geliyey inay u adkeystaan noocyada kala duwan ee  tababarka la siinayo , islamarkaana ay oggaadaan in ujeedada tababarka loo siinayo ay tahay in ay noqdaan kuwa dalka u adeego, kana dhiidhiya ficilada arxan laawayaasha Argagixisada ah.
Sidoo kale Taliyaha, ayaa kormeeray qeybaha kale ee Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska ee Gen Kaahiye, waxaana shaqada halkaasi ka socota warbixin ka siiyey Taliyaha Dugsigaasi.