Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Libya, kana diiwaan gashan Hay’adda UNHCR ayaa la sheegay inay sugayaan in loo dhoofiyo dal 3-aad oo ay heleen Degaansho Qaxootinimo.
Hadal ka soo baxay Hay’adda UNHCR ayaa lagu xusay inay rajeynayaan inay sannadkan dal 3-aad Dib-u-dejin ka siiyaan Qaxooti tiradooda u dhexeysa 5,000 ilaa 10,000 oo qof oo ku sugan dalka Libya.
Dhinaca kale, Madaxa Waaxda Arrimaha Qaxootiga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Libya, Jeneral Maxamed Bishir ayaa sheegay inay hoos u dhacday tirada Qaxootiga Afrikaanka ee ay qabteen, tan iyo bishii May ee sannadkii hore.
Sarkaalkaasi oo la hadlay Wakaalladda Wararka AFP waxa uu tilmaamay inay albabadda u laabeen 53 Xaruumood oo Qaxootiga lagu hayn jirey tan iyo bishii May ee sannadkii hore, isla markaana ay Hay’adda Muhaajiriinta Caalamka ee IOM iska kaashadeen sidii Boqolaal Qaxooti ah dib loogu ceelin lahaa dalalkooda hooyo.