Saraakiil ka tirsan Koofur Galbeed ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay inuu jiro Khilaaf udhexeeyay mudooyinkan Taliyaha Xilka laga qaaday iyo Wasiirka Amniga Koofur Galbeed Xasan Eelaay kaa soo ka dhashay Wadashaqeyn xumo uu kka cabtay Wasiirka.
Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa dhowr jeer oo hore loo geeyay Warqado looga cabanayay Isgoow, Wuxuuna Madaxweynaha markii danbe sheegay in marka uu ka soo laabta Safarkiisii Muqdisho uu wax ka qaban doono Khilaafka udhexeeya Wasiir Eelaay iyo Taliyihii Nisa ee Baay.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaan wali soo magacaabin Taliyaha Cusub ee Nabad Sugida Gobolka Baay, Waxaana Shaqada hada sii wada kuxigeenadiisii.