Saraakiisha ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen howlgallo ay sheegeen in ay qorsheynayaan iyo iuwo dhowr mar ay ka sameeyeen deegaannada Maamulkaas.
Taliyaha Ciidanka Jubbaland ee gobolada Jubbooyinka Korneel Muqtaar oo WAREYSI SIIYEY Radio Dalsan ayaa sheegay in howlgallada ay sameeyeen Ciidamada Jubbaland ay yihiin kuwo waqtiyeysan oo an markasta las ameyn.
Waxa uu sheegay in markii Ciidamu ay howlgallo sameeyaan ay Al-Shabaab sheegaan in ay weeraro sameeyeen,isla markaana aan waxba ka jirin sida uu hadalka u dhigay.
Sikastaba Al-Shabaab ayaa tiro dhowr jeer waxa ay weerar ku qaadeen saldhigyo Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ku leeyihiin Goboalda Jubbooyinka iyo Gedo,iyada oo masuuliyiinta Jubbaland ay sheegaan in weeraradaas ay iska difaaceen,isla markaan ay khasaaro agarsiiyeen.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidamada Jubbaland ee Jubbooyinka.