Goordhow Ayaa waxaa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir waxa uu ka dhacay qarax la sheegay in Gaarigiisa loogu xiray Nin Oday ah,wxana ka dhashay qaraxaas khasaaro.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen qaraxa uu ka dhacay Xaafada Xaawa Taako,isla markaana gaarigiisa loogu xiray Nin Magaciisa lagu sheegay Caraboow Cali Makaraan.
Warar kala duwan oo soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Shaqsiga Gaariga qaraxa loogu xiray uu ahaa Nin Oday ah oo dalaal ah halka dadka qaarkood ay sheegeen in uu ahaa Nabadoon.
Xiliga qaraxa uu ka dhacayay ayaa waxa uu ku sugnaa Goob uu dhismo ka socdo oo ku taalla Xaafada Xaawa Taako ee degmada Wadajir,waxaana la sheegay in qaraxa uu labadiisa lugood  ay uga go’een,isla markaana dhaawac halis ah lagu qaaday.
Ilaa saddex ruux oo kale oo Gariga la saarnaa ayaa la sheegay in ay qaraxaasi ku dhaawacmeen.
Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com