Wararka naga soo gaaraya Magallada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaasi lagu dilay mid ka mid ah Ganacsatada Magaaladaasi.
Ganacsadaha oo caanka ahaa Magaalada laascaanoodayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Maxamed Cabdi Timir,waxana goobta ka baxsaday raggii ka dambeeyey dilkiisa sida uu Dalsan u sheegay mid ka mid ah Waxgaradaka laascaanood.
Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan oo ku heyb ah Ganacsadaha ay saakay Magalada dhaq dhaqaaq ka wadaan,waxana walwal ku abuurtay bulshda ku nool Magalada laascaanood ee Gobolka Sool.
Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Soomaaliland ayaa Gacanta ku haya Magalada laascaanood,iyaga oo iskudayay in ay xaalada dejiyaan si uusan u dhicin falkale oo lidi ku ah amniga Magalada.
Horay ayaa waxaa Magaalada laascaanood uga dhacay dilal la xiriira aanooyin qabiil,iyada oo ay xal ka gaareen waxgaradka Magalada balse markale xalay dilka Ninka Ganacsadaha aha uu ka dhacay Magalada laascaanood.